Tuesday, April 1, 2014

Prof. Abdi I. Samatar oo la kulmay jaaliyada Soomaalida Netherlands


Professor Abdi Ismail Samatar oo ah xogahaya guud ee xisbiga Hiil-Qaran ayaa khubad dhinacyo badan taabaysa ka jeediyey shir ay isugu yimaadeen jaaliyada Soomaalida Holland, kaasoo lagu qabtay magaalada Den Haag ee xarunta siyaasada dalka Netherlands. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey xisbiga Hiil-Qaran faraciisa dalka Netherlands, ayaa waxaa ujeedadiisu aheyd in Prof. Abdi Samatar uu Soomaalida warbixin faahfaahsan ka siiyo safarka uu kaga soo laabtay magaalada Muqdishu iyo inuu sawir guud ka bixiyo xaalada dalka uu ku sugan yahay.

Abdi I. Samatar waxa uu marka hore ka tacsiyadeeyey geeridii taxdinta laheyd ee ku timid Danjire Sharif Saalax oo ku dhintay Muqdishu, isagoo ka codsaday ka qeyb galayaasha in loo wada duceeyo marxuumka oo uu ku tilmaamay siyaasi in badan ka soo qeyb qaatay siyaasada dalka. Intaa ka dib waxa uu ka hadlay xaalada colaadeed, siyaasadeed iyo mida nololadeed ee uu dalka hadda ku sugan yahay, isagoo walaac ka muujiyey qaabka hadda wax loo wado ee la doonayo in maamul goboleedyo lagaga dhiso dalka.

“Waxyaabaha soo kordhay waxa weeye imanka waxa weeye in ciidamadii Ethiopia lagu soo daray AMISOM oo la yiri idina ka qeyb qaata nabad dhalinta Somalia, laakiin anigu uma arko wax xal ah in Ethiopia ay wax ka badeli karto mushkilada hadda, waayo Ethiopia sumcad wanaagsan kuma laha dalka Somalia, mana ah talo wanaagsan in AMISOM lagu daro,” ayuu yiri Abdi Samatar. Waxa uu sheegay in Ethiopia waxa ay hadda u soo xiratay shaarkii AMISOM ay tahay in lagu diyaariyo maamul-goboleedyo qabiilo matela oo deetana madax looga dhigo rag diyaarsan oo wax walba lagu shuban karo, lagana dhaadhicin karo.

“Anigu welwelka aan qabo waxa weeyo waa dagaalo cusub oo soo fool leh oo ka dhalan kara maamul-goboleedyada hadda la wado, bal eeg maamul goboleedyadii horey u jiray maxay qabteen, ujeedada laga leeyahay waxa weeye uun qabiil wax maamula, mid kastana uu dabada ka riixayo dowlado shisheeye oo dano gaar ah leh,” ayuu yiri A. I. Samatar. “Hogaamiye kasta oo sheegta maamul goboleed ma ah inuu wax u qabanyo dadka masaakiinta ah ee mamaulkiisa ku hoos ku nool ee waxa uu doonayaa uun sidii uu mar uun ugu fariisan lahaa kursigaa yaala madaxtooyada oo aad mooday inaanu noqotay duqsigii ku degay malabkaa villa Somalia yaala oo dabadeedna ku dhagay.”

Mar uu ka hadlayey xaalada nololeed ee dalka, waxa uu ka dhigay macluul baahsan oo ku habsata malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo sabab u ah buu yiri laba arrimood oo kala ah; colaadaha jira iyo abaaro.
“Waxaan ka baqayaa in malaayiin Soomaali ah oo nugul ay u dhintaan nolol xumo haddii colaadaha jira ay sii socdaan isla markaana la waayo roobabkii di’i jiray oo meesha ay ka baxdo dalagii dadku beeran jireen,” ayuu yiri A. Samatar. Dhinaca siyaasada, waxa uu Abdi Samatar ka hadlay in weli aanu jirin hogaan toosan oo dalka ka saari kara dhibaatada uu ku jiro, waxaadna meesha ka maqan buu yiri hayįdahii dowliga ee ficil ku badeli lahaa hadalada badan ee warbaahinta laga sheego ee ah in wax la qabanayo.

Waxa uu intaa ku daray in nin kasta oo madaxweyne ka noqda Xamar uu markiiba sameysto cadaawad siyaasadeed oo isaga uuna uu doonayo in tiisa la maqlaa, kolkaa marka uu ka dagana xilka aanu ku dhici karin inuu dalka ku sii noolaado. “Bal eeg Sheekh Sharif car haku dhaco inuu Xamar dego, waa kan Kampala u cararay uu halkaasi degay, maxay kula tahay baad u maleenaysaa inuu Kampala maciin bado, waa siyaasad xumada iyo cadowtinimada uu dadka sameystay.” ayuu Samatar hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay reer galbeedku ka qoreen qoreen taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo uu ku sheegay mid qaldan oo laga dhigay in Soomaalidu ay reer yihiin oo aanay jirin mab’da dhaafsiisan qabiil oo ay wadaagi karaan, taasina ayaa buu yiri caalamka laga dhaadhiciyey oo nalagu maamulaa ilaa hadda. “Marry Harper oo ah weriye u shaqeyn jirtay BBC-da ay qoraal ay ka sameysay Somalia ku tilmaantay qariiradeeda mid u sameysan sidii geeska wiisha oo leh caarad af leh oo wax muda, markaa waxay ula jeedaa qariiradii baa colaad muujinaysa, dadkiina kaba daran, waxaasina waxa hada nalaga aaminsan yahay oo waxaa la qariyey in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horeeyey Afrika e si dumuqraadiyad leh hogaamiye xilka uga degay.” Gebagebadii ayaa Abdi Samatar waxa uu ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen dadkii ka soo qeyb galay shirka.


Mohamed Abdi Farah (Afgoye)

No comments:

Post a Comment